Ururka ONLF waa urur gobannimodoon ah oo u dagaallama inuu soo dhiciyo xuquuqda aasaasiga ah iyo xuquuqda siyaasiga iyo dhaqaale ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee daggan deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ururka halgankiisa wuxuu socdaa muddo ka badan 30 sano. Ururka ONLF wuxuu dawladda Itoobiya la galay dagaal hubaysan oo dhiig badani uu ku daatay laga soo billaabo 1994. Muddadii ururka uu dagaallmayay dhibaatooyin fara badan ayaa soo gaadhay ururka iyo dadka soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida daggan.
Xukuumaddii TPLF waxay ku guulaysatay in dadka soomaaliyeed ee deegaanka daggan ay dhex dhigto dagaal sokeeye. Ciidamadii Itoobiya waxay sameeyeen wax kasta oo ay ku qasbi karaan dadka in ay gumaysiga oggolaadaan. Markii danbana xukuumaddii TPLF waxay ku guulaysatay in xukunka u dhiibaan maamul iyo madaxwayne deegaan, waa Cabdi Ileey, iyo taageerayaa ku hareeraysan oo ahaa ciidankii loo sameeyay in ay dadka xasuuqaan. Sidoo kale maamulkii Cabdi Ileey waxay samaysteen xisbi faasid ah oo talada dalka gacanta ku haya. Xukuummaddii Cabdi Ileey iyo xisbigeedii faasidka ahaa inta ay dadkooda laayaan ayay haddana ku dul dhaantayn jireen oo ay isku soo sawiri jireen iyaga oo ku qosla marka ay daawadaan maydka iyo burburka ay gaysteen.
Heshiiskii ONLF iyo Itoobiya
Markii danbe xukunkii Itoobiya ayaa is baddalay waxaa ugu danbayn ururka ONLF iyo dawladda Itoobiya ay wada gaadheen heshiis nabadeed sannadkii 2018. Heshiiskaas ONLF wuxuu u oggolaaday in ay qoriga dhigaan oo ay si nabadgalyo ah ku raadsadaan xuquuqda dadka iyo dalka Soomaali galbeed.


Bishii Agoosto 2018 ayay hoggaankii ururka dib ugu soo noqdeen dhulka Soomaali galbeed. Haddaba mar haddii ururka uu heshiis nabadgalyo qaatay, ururka halgankiisii wuxuu u weeciyay inuu noqdo xisbi siyaasi ah oo u tartama hanashada awoodda deegaanka Soomaalida heer federaal iyo heer deegaan labadaba. Muddo dheer ururka waxaa guddoomiye u ahaa Halgame Maxamad Cumar Cismaan. Markan Maxamad Cumar Cusmaan da,diisa ayaa waynaatay wuxuuna go,aansaday inuu ka dago xilka guddoomiyaha ururka. Dabadeedna ururka ONLF bishan Nofeember 2019 ayuu shirwayne ku qabsaday magaalada Godeey. Shirkaas ururka waxay u ahayd fursad uu uga wada hadlo aayaha halgankii dheeraa iyo sidii uu halganka usii wadi lahaa, isla markaana loo dajin lahaa istiraatiijad cusub oo ururku isaga oo ah xisbi siyaasadeed uu ku hanan lahaa himalada shacabka Soomaali galbeed.
Doorashadii Godey
Waxaa markii hore wada shiray golaha dhexe ee ururka. Waxaana golaha laga filaayay inuu soo diyaariyo ajandayaasha shirka iyo in ay soo sharaxaan guddoomiye cusub oo baddala M. C. Cusmaan. Arrintan waxay noqotay arrin xasaasi ah oo muran badan dhalisay. Waxaana durbadiiba bannaanka usoo baxday in golaha dhexe ay ku kala qaybsan yihiin masuulka goluhu uu usoo sharraxaayo xilka guddoomiyaha. Dad badan waxay filanayeen in marka la eego isyaanatada iyo da,da, qofka guddoomiye M. C. Cusmaan baddalaya inuu yahay Halgame Cabdiraxman Mahdi oo Maaddeey loo yaqaano. Laakiin waxaa isasoo sharraxay Halgame Axmad Yaasiin oo horay u ahaa ku xigeenka xoghayaha guud isla markaana ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka.
Hoggaanka sare ee ururka kuma aysan guulaysannin in ay Axmed Yaasiin ka dhaadhicyaan in uusan is sharrixin, si markaasi xilkaasi loogu daayo Maaddeey oo ah ninka hoggaanka sare ee ururka ugu isyaanaysan. Sidoo kale hoggaanka iyo guddiyadii ku shaqada lahaa doorashada kama aysan dhaadhicinnin Maaddeey in uu tanaasulo oo uu doorashada ka hadho. Natiijadiina waxay noqotay in labadii masuul la tartansiiyo. Doorashadii way dhacday labadii masuul ee tartamaysayna mid baa guulaystay.
Doorashadii Godey kaddib
Doorashadii kaddib waxaa muuqanaya in ay jirto kala qaybsanaan badan oo u dhaxaysa xubnaha ururka. Waxayna xubnihii u kala bexeen laba garab. Garab dhalliilaya sidii ay doorashadu u dhacday iyo garab ku qanacsan natiijadii doorashada. Xubnaha wax dhalliilaya waxay ku doodayaan in ergadii wax dooratay si ula kac ah loo badiyay iyo in ay jiraan xubno si xooggan isu abaabulay si ay taageero ugu muujiyaan Mudane Maaddeey. Sidoo kale xubnaha wax dhalliilaya waxay ku andocoonayaan in dacaayad been ah laga sameeyay xubnihii mucaaradka ku ahaa Mudane Maaddeey. Xubnahaas oo lagu eedeeyay in ay gacansaar la leeyihiin madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mudane Musdhafe Cagjar. Arrinkan kusaabsan dacaayadda oo dad badan ay ka cadhoodeen.
Dhinaca kale xubnihii sida aadka ah u rabay in uu halgame Maaddeey guulaysto waxay ku doodayaan in dhaqankii ururka ee 30-kii sano ee u danbaysay jiray aan la tix galin. Dhaqankaas oo ah in madaxda ururka aysan xukunka isku qabsannin isla markaana la tixgaliyo sida loo kala isyaanaysan yahay iyo sida loo kala wayn yahay. Dhaqanka noocan ah ma qorna laakiin waa dhaqan soo jireen ah oo soomaalidu ay leedahay. Garabkan waxay ku doodayaan in ay habboonayd in halgame Maaddeey lagu sharfo xilka guddoomiyaha jabhadda maaddaama uu yahay masuulkii ku xigay guddoomiyaha xilka ka dagaya. Maaddama Halgame maxamad Ismaaciil oo horay u ahan jiray guddoomiye ku xigeen uusan hadda la shaqaynin ururka. Si kastaba ha ahaatee waxaa kale oo jiray dad u badan dhallinyaro oo doonaya in ay ururka isbaddal ku sameeyaan.
Xaggee wax ka khaldameen
Dhammaan ururrada xisbiyada dimuqraadiga ah waxay maraan marxaladda doorashada. Urur dimuqraadi ah waxaan ka wadaa in hoggaaminta ururka ay ku timaaddo qaab doorasho ah. Hoggaaminta xisbiga waa lagu tartamaa. Tusaale, Obaama iyo Heleri Kilinton waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga dimuqraaddiga ah ee Maraykanka. Xilligii ololaha doorashada tartan adag ayaa dhex maray Obaama iyo heleri. Markii Heleri looga guulaystay tartankii waxay caddaysay in daacadnimadii xisbiga ay lama taabtaan tahay. Markii danbana waxay noqotay wasiirka arrinaha dibadda.
Haddaba xubnaha ururka waxaa ka maqan dhawr arrimood. 1) Waxaa ka maqan in isbaddal lagu sameeyo hoggaaminta ururka uu keeni karayo jahawareer xagga hoggaaminta ah. 2) In marka madaxda sare ee ururka ay tartamayaan uu kordhi doono fayraska qabyaaladda oo dadka soomaaliyeed oo dhan ku dhex nool. 3) Ururka karti intee la eg ayuu u leeyahay inuu qabto doorasho caddaalad ah oo aan lagu murmin oo dadka oo dhan ay ku qancaan.
Xubnaha ururka karti iyo aqoon ma u leyihiin in ay u dul qaataan tartanka xubnaha uruka dhexdiisa ah iyo tartanka madaxda ururka. Waxaa had iyo jeer tartama madaxda jaalliyadaha. Waxaa sidaas oo kale tartama ururka dhallinyarada OYSU. Laakiin tartammada darajada hoose ah saamayntooda ma badna. Ururka muddo dheer ma qabannin doorasho sababtuna waxaa weeye waxaa laga cabsanaayay in isbaddalka hoggaanka ururka uu keeno kala qaybsanaan ururka dhexdiisa ah.
Maxaa xal ah
adduunka ma jirto dhibaato aan xal lahayn. Ururka ONLF marar badan ayay la soo gudboonaatay qalalaase iyo kala qaybsan laakiin ururka dhibaatooyinkaas oo dhan wuu kasoo gudbay. xubnaha ururkuna waxay ku guulaysteen in ay midoobaan oo halgankii ay halkii kasii wadaan. Laakiin waxaa dhici jirtay in mar kasta oo ururka ay lasoo gudboonaato khilaafaad gudhaha ah in markaas ururka uu lumiyo xubno badan. waxaa hadd dhici karta in xubno badan oo ka cadhooday qaabkii ay doorashadu ku dhacday ay shaqadii yareeyaan ama ururka ay isaga baxaan oo ama ay ku biiraan xisbiga faasidka ah ee deegaanka ka arrimiya ama ay iska gaabsadaan.
Hadda ururka wuxuu leeyahay hoggaan cusub. Hoggaanka cusub waa nin xubnaha ururka ay wada garanayaan oo waligiis ahaa laf dhabarta halganka. Hoggaanka cusub waxaa looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo sidii ururka uu u noqon lahaa mid gaadha yoolkiisii. Hoggaanka waxaa looga fadhiyaa in uu dib u mideeyo xubnaha ururka oo qaarkood ay cabanayaan.


Xubnaha ururka waxaa looga fadhiyaa in taageero hiil iyo hoo ah ay la garab istaagaan hoggaanka ururka. Hoggaanka ururka marka kalsooni la siiyo ayuu iska caabbin karaa dadka doonaya in soomaalida ay xaqiraan. Laakiin waxaa shardi ah in hoggaanka aaan jallaafo loo dhigin. Soomaalida waxaa badanaa ku yar in si mabda, ah ama fikir ah ay wax ku taageraan. Marka qofkii ururka ugu jiray fikir gobannimodoon markaasi qofkaasi waxaa laga filan karaa in waligiis uu ururka taageero. Laakiin qofkii ururka ugu jiray shaqsi, ama hugun raac iska ahaa waxaa laga filan karaa in qofkaasi uu hadba dhinac isu baddalo. Hadda iyo dan dhammaan xubna ururka waa in ay ka bogsadaan khilaafaadkii tartankii gudaha, si markaasi ururka uu ugu diyaar garoobo marxaladda halganka ee ku xigta oo ah tartanka hanashada awoodda hoggaamineed ee dalka heer deegaan iyo heer federaal. Xubnaha waa in ay meel iska dhigaan qaybsanaanta isla markaana ay dib ugu soo laabtaan mabaadiidii ay markii horaba ku midoobeen.
Leave a comment