Halganka ONLF iyo saamaynta shirwaynihii Godey

Ururka ONLF waa urur gobannimodoon ah oo u dagaallama inuu soo dhiciyo xuquuqda aasaasiga ah iyo xuquuqda siyaasiga iyo dhaqaale ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee daggan deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ururka halgankiisa wuxuu socdaa muddo ka badan 30 sano. Ururka ONLF wuxuu dawladda Itoobiya la galay dagaal hubaysan oo dhiig badani uu ku daatay laga... Continue Reading →

Sidee bay u wada shaqeeyaan xukuumadda iyo baarlamaanku? hay,addee awoodda ugu sarraysa leh?

Iyada oo la raacayo nidaamka dimuqraadiga ah oo maanta waddammada adduunka oo dhan ay sheegtaan in ay ku dhaqmaan marka laga reebo tiro yar oo ah waddammada carabta ee boqortooyada ah. Badi waddamada adduunka ee maanta jira waxay sheegtaan in ay ku dhaqmaan nidaamka dimuqraadiga ah. Xataa waddammada khaliijka ee boqortooyda ah waxay sheetaan in... Continue Reading →

Tobankii khalad ee ugu waawaynaa oo xukuumadda Farmaajo ay samaysay.

Dalka Soomaaliya waa waddan ay nasiib darro ku dhacday kaddib markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay sannadkii 1991. Markaas wixii ka danbeeyay waddanka waxaa ku habsaday dagaallo sokeeye oo wajiyo badan leh. Ugu danbayn ururrada bulshada rayadka ah iyo aqoonyahanno soomaaliyeed ayaa waxay ku guulaysteen in ay dhisaan dawlad midnimo qaran oo lagu dhisay... Continue Reading →

Magaalooyinka Soomaalida oo qaab isku-raran ah u fidaya

Dhibaatooyinka ku habsaday dadka soomaaliyeed waxaa ka mid ah iyada oo dhammaan magaalooyinka soomaalida ay u fidayaan qaab isku-raran ah. Muddo dheer ayay dadka soomaaliyeed ku jireen xaalado dagaal, dagganaansho la,aan iyo fawdo. Muddadaas dheer ee sharci darrada iyo faoowdadu ay waddanka ka jirtay waxaa laga dhaxlay in magaalooyinka soomaalidu ay u fidaan qaab isku-raran... Continue Reading →

Quudhsigu qiil ma leeyahay

Waa maxay hayb-sooc? Hayb-sooca waa iyada oo qabiilooyinka qaarkood la xaqiro oo la hayb-sooco. Sababta oo ah waxaa ay dadka soomaaliyeed badankooda aamminsan yihiin in qabiilooyinka qaar ay nasab dhimman yihiin, qaarna ay nasab yihiin.  Taasoo laga dhaxlay dhaqanka qabiilka ku salaysan ee soomaalida. Laakiin hayb-sooca looma hayo wax xaqiiqo ah oo lagu qanci karo, ee... Continue Reading →

Blog at WordPress.com.

Up ↑