Sidee bay u wada shaqeeyaan xukuumadda iyo baarlamaanku? hay,addee awoodda ugu sarraysa leh?

Iyada oo la raacayo nidaamka dimuqraadiga ah oo maanta waddammada adduunka oo dhan ay sheegtaan in ay ku dhaqmaan marka laga reebo tiro yar oo ah waddammada carabta ee boqortooyada ah. Badi waddamada adduunka ee maanta jira waxay sheegtaan in ay ku dhaqmaan nidaamka dimuqraadiga ah. Xataa waddammada khaliijka ee boqortooyda ah waxay sheetaan in ay ku dhaqmaan nidaamka shuurada oo ah in boqorka ay la taliyaan golaha la tashiga. Nidaamka dimuqraadiga ee casriga ah wuxuu ka kooban yahay saddex hay,adood oo loogu talo galay in ay is koontaroolaan si markaasi hal hay,ad ay awooddakaligeed u qabsan. Saddxdaas hay,adood waxay kala yihiin 1) Hay,adda sharci-dajinta ama baarlammaanka 2) hay,adda fulinta ama xukuumadda iyo 3) Hay.adda garsoorka ama maxkamadaha. Dhammaan shaqooyinka ay dawladda qabato waxay hoos tagayaan mid ka mid ah saddexdaas hay,adood.

a) Shaqada Baarlamaanka
Baarlamaanku waa golaha ay ku jiraan xubnaha golaha sharci dajinta. Golaha sharci dajinta waxaa toos usoo doorta shacabka. Tirada xubnaha ee golaha shacabkana waxaa lagu saleeyaa tiro dad ah oo ku nool gobol ama magaalo waxaana lagu salayn karaa in 100 000 ee qof ay dooran karaan hal xildhibaan. Markaasna gobollada dalku tirada xildhibaannada waxay u kala badsanayaan sida ay ay gololladu u kala tiro badan yihiin. Xubnaha baarlammaanka ku jira waxay badanaa noqdaan xubno ka ka kala tirsan xisbiyo kala duwan waxaana  iska caadi ah in xubnaha baarlamaanku ay u qaybsan yihiin qaab xisbiyo ama kooxo kala duwan oo ku kala duwan dhinaca fikirka iyo mabaadiida. Laakiin waxaa Afrika ka dhacda in hadba xisbiga talada haya fikirkiisa la raaci xisbigaasna uu noqdo kan u badan baarlamaanka. Haddaba waa maxay shaqada baarlamaanku. Shaqada baarlamaanka waxaa ugu muhiimsan saddex shaqo oo kala ah

1) Shaqada sharci dajinta.

Baarlamaanku waxay soo saaraaan sharciyada waddanka, sida sharciga lagu ciqaabo dadka danbiyada gala ama sharciga ganacsiga iyo maal-gashiga. Laakiin sidoo kale dhammaan hay,adaha dawladda hay,ad waliba waxay yeelan kartaa xeer lagu maamulo hay,addaas. Tusaale ahaan wasaaradda waxbarashada waxay yeelan kartaa xeer ay xukuumaddu ansixisay oo lagu maamulo wasaaradda waxbarashada.
2) Ansixinta miisaaniyadda
Baarlamaanka shaqadiisa labaad waa in uu ansixiyo miisaaniyadda ay xukuumaddu soo jeediso sannadka soo socda. Miisaaniyaddu waa qiyaas maaliyadeed oo la qiyaasayo sida uu nqon doono dakhliga iyo kharashaadka ay xukuumaddu samayn doonto sannadka soo socda. Miisaaniyadda waxaa ku qoran dakhliga xukuumadda iyo meelaha dakhligaas uu ka imaan doono. Sida lacagta canshuurta ah ee laga qaadi doono shaqaalaha, canshuurta laga qaadi doono ganacsatada, lacagaha kasoo xaroon doona adeegyada xukuumaadda iyo dagmooyinku ay qaadaan sida lacagta lacagta laga qaado dadka marka ay goosanayaan warqadda aqoonsiga iyo sidoo kale canshuurta gadista. Waxaa intaas dheer lacagaha deeqaha ah oo dawladdu ay ka hesho waddammada deeqaha bixiya.
Sidoo kale baarlamaanka waa inuu ansixiyaa warbixinta xukuummadda ee miisaaniyaddii sannadkii tagay taas oo baarlamaanku uu kula soconayo in xukuumaddu ay sidii loogu talo galay u samaysay misaaniyaddii sannadkii tagay. Sidoo kale baarlamaanku waa inuu ansixiyo dhammaan heshiisyada ay xukuumaddu lasoo gasho waddammada kale iyo hay,adaha caalamiga ah.
Baarlamaanka shaqadiisa waxaa ka mid ah inuu ridi karo xukuumadda oo baarlamaanku wuxuu xaq u leeyahay in xukuumadda loo qaado codka kalsoonida. Baarlamaanku wuxuu ridi karaa xukuumadda gabi ahaan ama wuxuu shaqada ka eryi karaa wasiir ka mid ah wasiirrada. Erayga la yidhaahdo motion ee eray af ingiriis ah oo macnihuusu yahay talo soo jeedin. Taladaas waxaa soo jeedin kara hal xubin oo baarlamaanka ka mid ah ama waxaa soo jeedin kara koox xildhibaanno ah. Laakiin marka ay noqoto talo soo jeedin ku saabsan codka kalsoonida waxaa lagu shardiyaa in ay saxiixaan tiro xildhibaanno ah sida uu shegayo dastuurka waddanka. Baarlamaanku sidoo kale wuxuu u yeedhan karaa madaxa xukuumadda ama wasiir ka mid ah xukuumadda si su,aalo loo waydiiyo. Sidoo kale talo-soojeedintu waxay ka imaan kartaa xukuumadda sida marka ay xukuumaddu soo jeedinayso in sharci la meel-mariyo.
3) Shaqada koontaroolka xukuumadda
Baarlamaanka shaqdiisa waxaa ka mid ah inuu koontaroolo xukuumadda iyo hay,adaha dawladda. Xukuumaddu waxay ka kooban tahay madaxwaynaha ama wasiirka koowaad ama labadoodaba Sida hadda Soomaaliya ka jirta iyo golaha wasiirrada. Xukuumadda iyo hay,adaha dawladdu aad ayay u ballaadhan yihiin waana kuwa sida caadiga ah qabta shaqada ugu badan ee dawladda. Xukuumadda waxaa soo raaca hay,adaha dawladda oo ay ka mid yihiin wasaaradaha, wakaaladaha madaxa bannaan sida wakaaladda mooska. Hay,adaha dawladda waxaa sidaas oo kale ka mid ah, ciidammada qalabka sida iyo safaaradaha dalka ee ku yaalla waddammada dibadda. Baarlamaanka waxaa badanaa loo qaybiyaa guddiyo takhasus si ay fududaato koontaroolka xukuumadda waxaana guddiyadaas ka mid ah guddida maaliyadda, guddida amniga, guddida arrimaha dibadda iyo guddiyo kale. Guddiyadaas waxay la shaqeeyaan wasaaradaha ay isku shaqada yihiin. Waxaana sidaas ku fududaada shaqada koontaroolka oo baarlamaanka uu ku sameeyo xukuumadda. Laakiin Qaaradda Afrika waxaa iska caadi ah in baarlamaanku uu yahay gole daacad u ah golaha fulinta oo badanaa ay ka taliyaan xukuumado kali-talis ah. Wuxuuna baarlamaanu iska noqdaa gole magac-u-yaal ah oo ansixiya uun waxa ay xukuumaddu rabto. Marka xisbiga xukuumaddu uu u badan yahay baarlamaanka waxaa aad u yaraada shaqada koontaroolka ee baarlamaanku uu waajibka u leeyahay.

b) Shaqada Xukuumadda
Xukuumadauhu waxay u qaybsamaan laba nidaam. Nidaamka baarlamaaniga ah oo ah nidaam uu baarlamaanku si toos ah u dooranayo wasiirka koowaad ama madaxa xukuumdda sida Talyaaniga oo kale iyo nidaamka madaxa xukuumaddu uu yahay madaxwaynaha sida Faransiiska oo kale. Si kastaba ha ahaatee shaqada ay xukuumaddu qabato waa isku mid. Waxaa kala duwan oo kali ah qaabka uu ku imaanayo madaxa xukuumaddu. Xukuumadda shaqadeedu aad ayay u badan tahay. Waxaana la yidhaahdaa xukuumaddu waxay qabataa wax kasta oo aan ahayn shaqada baarlamaanka.
1) Markaas madaxa xukuumadda wuxuu magacaabi karaa dhammaan madaxda hay,adaha dawladda. Madaxa xukuumaddu wuxuu magacaabi karaa wasiirrada, maareeyayaasha wakaaladaha, taliyayaasha ciidammada iyo safiirrada. Waddammada badankooda marka madaxa xukuumadda uu magacaabayo madaxda hay,adaha dawladda waxaa lagu shardiyaa inuu soo magacaabo laakiin uu baarlamaanku ansixiyo. Sidoo kale madaxa xukuumaddu wuxuu soo magacaabaa garsoorayaasha maxkamadaha, xeer ilaaliayah qaranka, xisaabiyaha guud iyo hay,ado kale oo badan.
2) Xukuumadda waxay diyaarinaysaa ciidanka difaaca qaranka, xukuumaddu iyada ayaa dalka ku matalaysa kulammada caalamiga ah oo heshiisyo iyo is faham la galaysa caalamka lakiin waxaa shardi ah in xukuumaddu ay raacdo sharciga dalka u yaalla. Haddii ay xukuumaddu heshiis soo gasho waxaa waajib ah in xukuumaddu heshiiskaas ay usoo bandhigto baarlamaanka muddada loogu talo galay.
3) Xukuumaddu waxay fulinaysaa dhammaan sharciyada uu soo saaray baarlamaaku iyada oo adeegsanaysa hay,adaha dawladda. Xukuummaddu waxay socodsiinaysaa dhammaan hawlaha lagu fulinayo go,aammadii uu baarlamaanku soo saaray.
4) xukuumaddu waxay diyaarinaysaa miisaaniyadda dawladda waxayna baarlamaanka u sharraxaysaa sida ay ugu talo gashay in miisaniyadda la hir galiyo.
5) Xukuumaddu waxay soo jeedisaa hindise sharciyeedyo. Marka ay xukuumaddu fulinayso hawlaheeda haddii ay u aragto in sharci cusub ay soo saarto markaas xukuumaddu hinise sharciyeedkaas ayay usoo gudbisaa baarlamaanka. Baarlamaankuna hindise-sharciyeedka ayuu ka doodaa, waa loo codeeyaa, haddii si aqlabiyad ah loogu codeeyo markaas kaddib wuxuu noqonayaa sharci xukuumadduna waa in ay fuliso.
6) Xukuumaddu waxay awood u leedahay in ay cafis u fidiso maxaabiista ama ay ciqaabta ka fududayso qof xukuman.

Guud ahaan waddammada uu ka jiro nidaamka kala-taliska ah xukuumaddu waa wax walba. Xukuumaddu waxay qabsataa baarlamaanka oo ay u yeedhisaa waxa ay samaynayaan. Sidoo kalana xukuumaddu waxay koontarooshaa marka horaba xubnaha baarlamaanka soo galaya. Waxaana aad u adag in baarlamaanku uu shaqadiisa qabsado.

c) Shaqada Hay,adda garsoorka

Hay,adda garsoorka waxay u kala gar qaadda dhinacyo is dacwaynaya. Dhinacyada is dacwaynaya waxay noqon karaan dacwad u dhaxaysa laba qof oo caadi ah, qof iyo dawladda, amase dacwad u dhaxaysa laba hay,adood oo dawladdu ay leedahay. Marka lagu dhaqmayo nidaamka dimuqraadiga ah waxaa shardi ah in maxkamaddu ay noqoto mid ka madaax-bannaaa fara-galin oo dhexdhexaad ah. Waa in wax fara gali n ah aysan maxkamadda uga imaannin xukuumadda iyo baarlamaanka iyo dadawaynaha midna. Laakiin waxaa badanaa waddammada dunida saddexaad ka dhacda in xukuumaddu ay soo faragashato garsoorka oo marmarka qaarkood garsooraha loo yeedhiyo ciqaabta uu ku xukumayo dadka loo haysto in ay galeen wax lagu sheego danbiyo siyaasadeed. Waa in maxakamaddu ay si hufan oo dhexdhexaad ah u qaaddaa dacwadaha loosoo gudbiyo. Waxa kale oo shardi ah in qaybaha is dacwayanaya ay helaan waqti iyo fursad ay isku difaacaan. Maxkamadaha waxaa loo qaybiyaa maxkamadaha maxkamadaha caadiga ah oo ah maxkamadda dagmada, maxkamadda gobolka iyo maxkamadda sare. Maxkamadda arrimaha maamulka iyo maxkamadaha gaarka ah. Guud ahaan hay,adda garsoorka waxaa ka tirsan hay,ado badan oo ay ka mid yihiin maxkamadaha noocyadooda iyo heerarkooda kala duwan, xabsiyada, xeer ilaaliyaha guud iyo xeer ilaaliyayaasha gobollada iyo dagmooyinka.

Maxkamadda caadiga ah waxay qaaddaa dacwadaha ku saabsan qof danbi galay iyo dacwadaha u dhexeeya dadka is dacwaynaya, sida dacwadaha ganacsiga. Waxaa sidaas oo kale jira maxkamadda racfaanka oo loo dacwoodo marka xukunka maxkamadda caadiga ah lagu qanci waayo. Waxaa sidoo kale jira maxkamadda gaarka ah oo qaadda dacwadaha u dhexeeya qof shakhsi ah iyo hay,adaha dawladda. Waxayna maxkamadahani qaadaan dacwooyinka la xidhiidha canshuurta iwm. Waxaa sidoo kale jiri kara maxakamdo gaar ah oo qaada dacwado gaar ah sida maxkamadda shaqaalaha oo qaadda dacwadaha u dhexeeya loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha. Waxaa kale oo jirta maxkamadda dastuuriga ah oo qaadda dacwadaha u dhexeeya hay,adaha dawladda tusaale ahaan haddii ay is dacweeyaan xukuumadda iyo baarlamaanka ama guddiga baarlamaanka ee khaaska ah iyo wasaarad ka mid ah wasaaradaha dawladda. Maxkamadda dastuuriga ah oo kala saari lahayd hay,adaha dawladda hadda Soomaaliya kama jirto waana sababta keenaysa in had iyo jeer ay is qabsadaan hay,adaha dawladdu.

Qore: Janaale

Leave a comment

Blog at WordPress.com.

Up ↑