Tobankii khalad ee ugu waawaynaa oo xukuumadda Farmaajo ay samaysay.

Dalka Soomaaliya waa waddan ay nasiib darro ku dhacday kaddib markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay sannadkii 1991. Markaas wixii ka danbeeyay waddanka waxaa ku habsaday dagaallo sokeeye oo wajiyo badan leh. Ugu danbayn ururrada bulshada rayadka ah iyo aqoonyahanno soomaaliyeed ayaa waxay ku guulaysteen in ay dhisaan dawlad midnimo qaran oo lagu dhisay magaalada Carta ee dalka Jabbuuti. Shirkaas Carta wixii ka danbeeyay Soomaaliya waxay yeelatay dawlad sharci ah oo caalamku aqoonsan yahay. Waxaa dhismay dhawr xukuumadood oo kala danbeeyay. Xukuumadda madaxwayne Mamaxamd Cabdullaahi Farmaajo waxaa la doortay bishii febraayo 2017. Madaxwayne Farmaajo wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo taageero dadwayne oo aan horay loo arag. Waxaa dhacday in quluubtii dadka soomaaliyeed ay mar qudh ah midoowdo taasoo caalamka oo dhan ka yaabisay keentayna in waddammada Soomaaliya daneeya ay u kala tartamaan sidii ay ula kulmi lahayeen madaxwaynaha aadka loo jecel yahay ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha isagana dhankiisa wuxuu doortay wasiirka koowaad Xasan Cali Khayre oo isagana magacaabistiisa aad loo soo dhaweeyay sababtuna waxaa ahayd Khayre oo loo arkaayay nin sida Farmaajo oo kale kusoo koray waxna kusoo bartay waddammada horay u maray. Dadka soomaaliyeed waxay u qaateen in labadan hoggaamiye oo Adhallinyaro ah oo leh aqoon sare isla markaana wax kusoo bartay waddammo dimuqraaddi ah ay wax wayn kusoo kordhin doonaan Soomaaliya oo la liidata in ay hesho dad aqoon leh iyo kawadir iyo siyaasiyiin aqoon iyo khibrad hoggaamineed leh.

Xukuumadda waxay nasiib u yeelatay in ay hesho lacago aad u fara badan, lacagahaas oo xukuumaddu ay ka hesho waddammada deeqaha siiya Soomaaliya oo ay ugu horrayso dawladda Qadar oo iyadu haysata lacag aad u fara badan isla makaana xukuumadda siisa lacagaha ugu faraha badan. Lacagtaas faraha badan waa midda damaca kali-talisnimada ah ku abuurtay Farmaajo iyo Khayre. Farmaajo iyo Khayre markii ay arkeen in lacagta iyo waliba hubka loogu deeqayo Soomaaliya ay adeegsan karaan si ay u samaystaan awood adag oo aan lagula tartami karin. Waxayna markaas billaabeen in ay ka takhallusaan xoog kasta ama koox ha ahaato ama shakhsi oo ay u arkayaan inuu ka hor imaan karo damacooda siyaasadeed oo ah in haatan ay dalka xukumaan isla markaana ay xukunka kusoo laabtaan doorashada soo socota afar sano kaddib. Nasiib darrada dhacday waxay u muuqataa in Farmaajo iyo Khayre aysan lahayn kartidii iyo garashadii dalkan lagu maamuli lahaa isla markaana labadan masuul ma yasan helin khubaro naasix ah oo si fiican ula talisa.
1) Qalalaasihii ugu horreeyay ee ay gashay xukuumadda Farmaajo wuxuu billoowday markii xukuumadda Soomaaliya ay muwaaddin Soomaaliyeed Cabdikariin Muuse Qalbidhagax ay u gacan galiyeen Itoobiya. Taasoo dadka soomaaliyeed ku noqotay yaab iyo amakaag sidii ay ku suuro gashay in Farmaajo iyo Khayre oo dadka soomaaliyeed u sheegi jiray in ay yihiin dad waddiniyiin ah haddana ay ku go,aansadeen in muwaaddin Soomaaliyeed loo gacan galiyo Itoobiya oo dad badan oo Soomaaliyeed ay u arkaan dawlad cadaw ah oo had iyo jeer ka shaqaysa mu,aamaradaynta qaranka Soomaaliyeed. Waxaa intaas kasii darrayd markii xukuumaddu ay sida xun ee foosha xun ay u maamushay dhacdadaas iyadoo markii hore xukuumaddu ay ka aammustay in kiiska dhiibista qalbidhagax ay ka hadasho. Toban bari kaddibna xukuumadii ay ceeb kale ka dhaqaaqdo kaddib markii ay sheegeen in xukuumaddu ay qaadatay tallaabo sax ah isla markaana ururka ONLF uu yahay urur argagixiso ah.
2) Qalalaasihii labaad wuxuu dhacay kaddib markii dhacdadii Bariire oo si khalad ah loo dilay 12 muwaadin oo shacab ah ay xukuumaddu si xun u maamushay oo madaxda dawladau ay iska wada garab hadleen. Qaar xukuumadda ka mid ahna dadkii dhintay ay ku tilmaameen in ay argagxixiso ahaayeen. Dhacadii ku xigtay waxay ahayd qarixii waynaa ee barxadda Soobe markaas oo haddana mar kale ay xukuumaddu si xun u maamushay.
3) Arrin kale oo xukuumadda lagu nacay wuxuu ahaa kaddib markii xukuumaddu ay shaqo ka dhigatay kala baddalista saraakiisha amniga iyo golaha fulinta oo ah wasiirrada, oo ay dhacday in muddo kooban dhawr jeer la wada baddalo madaxda amniga. Sidoo kale wasiirka koowaad isaguna wuxuu muujiyay amar-ku-taaglayn iyo kali-talisnimo wuxuuna golohii wasiirrada ka dhigay gole uu ka jiro kali-talis taasoo oo hoos u dhigtay shaqadii ay wasiirradu qaban lahaayeen.
4) Qalalaasihii baddalidda guddoomiyihii baarlammaanka Maxamad Cusmaan Jawaari oo xukuumaddu ay ka shaqaysay in la baddalo kaddib markii uu Jawaari iska diiday inuu awaamiirta ka qaato Farmaajo iyo Khayre. Xukuumadda oo awood badan ku leh golaha shacabka oo wasiirro badan ay ku jiraan waxay ka shaqaysay in Jawaari mooshin laga keeno markii danbana Jawaari waxaa lagu qasbay inuu is casilo.
5) Qalalaasaha siyaasadeed ee kale wuxuu billoowday markii ay xukuumaddu go,aansatay in ay ka takhallusto maamul goboleedyada oo maamul goboleedyada ay ka dhigto maamulo xukuumaddu ay magacawdo. Khilaafaad siyaasdeed ayaa cirka isku shareeray kaddib markii maamul goboleedyada iyaguna ay samaysteen golaha iskaashiga maamul goboleedyada, si ay isaga difaacaan weerarka uga imaanaya xukuumadda. Xukuumadda iyadoo ka faa,iidaysanaysa lacagaha deeqaha ah oo ay gacanta ku hayaan waxay cunoqabatayn saareen madaxda maamul goboleedyada aysan iyagu wadannin. Waxayna xukuumaddu billoowday in ay kala furfurto maamul goboleedyada sidii ku dhacday maamul goboleedka Galmudug

6) Khalad kale oo kahar ah wuxuu ahaa Kaddib markii uu is-baddal siyaasadeed ka dhacay dalka Itoobiya Madaxwayne Farmaajo wuxuu aad ugu dhawaaday wasiirka koowaad ee Itoobiya Abiye Axmed. Taasina waxay keentay in Farmaajo uu heshiisyo qarsoodi ah la galo madaxda waddammada Itoobiya iyo Eritariya. Farmaajo waxaa ka hoos baxday in dalka Soomaaliya uu yahay dal dimuqraaddi ah oo uu ka jiro baarlammaan la xisaabtami kara xukuumadda waxaa maskaxdiisa ka baxday inuu xusuusto baarlammaankii isaga soo doortay oo markaasna uu baarlamaanka la shaqeeyo oo uu had iyo jeer usoo gudbiyo baarlammaanka heshiisyada uu galayo, heshiisyada ku saabsan deeqaha waddammada dibaddu ay siiyaan dalka iyo wax kasta oo muhiim ah. Waxaa billowday shaki ah in Farmaajo uu wax qarinayo oo uu masiirka dalka mugdi galinayo isaga oo soo galaya heshiisyo lagu bixinayo dakadaha Soomaaliya ama heshiisyo midnimo lala galayo waddammada dariska. Heshiisyadaas oo noqon karaya kuwo khatar ah.
7) Farmaajo wuxuu aad xoogga u saaray siyaasadda arrimaha dibadda wuxuuna had iyo jeer ku jiraa safarro dibadeed isaga oo isla markaana aan soo sheegaynin waxyaabaha safarradaas uga soo qabsooma. Baarlammaanku waa hay,adda ugu sarraysa ee dalka waxaana waajib ah in xukuumaddu ay si hoose ula shaqayso baarlammaanka
8) Farmaajo wuxuu dayacay inuu wax ka qabto amniga dalka oo mar haddii uu ku mashquulay kala baddalis, isku dir, hanjabaad, burburinta maamul goboleedyada, burburinta mucaararadka gudaha, markaas waxaa meesha ka baxday in xukuumaddu ay wax ka qabato amniga oo ah waxa ugu muhiimsan ee Soomaaliya maanta ay u baahan tahay. Xukuumaddu waxay amniga wax ka qaban kartaa marka ay wada shaqaynayaa xukuumadda iyo maamul goboleedyada. Suuro gal ma ahan in lacagta iyo hubka laga cuno qabateeyo maamul goboleedyada oo waddanka intiisa badan maamula. Haddii aanay wada shaqayn jirin markaas amniga waxba lagama qaban karo waa talada ka hoos baxday xukuumadda.

Lacagtii qaranka waxay xukuumaddu u aragtay sidii hanti ay xukuumaddu leedahay oo markaas sidii ay rabaan ay u maamulaan. Sababtoo ah hantida qaranka laguma bixin karo olole siyaasadeed, laaluush iyo wax dumin. Hantida qaranka waa in ay ku baxdaa oo kali ah sifo sharci ah oo ah in dadka Soomaaliyeed wax loogu qabto. Isla markaana in hantida qaranka dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ka dhaxayso. Isla markaana hantida qaranka gobollada loogu qaybiyo sida loo kala dad badan yahay.
9) Xukuumaddu waxay go,aansatay in ay qabsato golaha baarlammaanka. Kaddib markii la tuuray Jawaari xukuumaddu waxay keensatay Maxamad Mursal oo markii hore ahaa wasiirka gaashaandhigga. Waxay xukuumadu horay u kastbatay labada guddoomiye ku xigeen markii danbana waxay keensatay guddoomiyaha. Taasina waxay keentay in koontaroolkii baarlamaanka uu koontarooli lahaa xukuumadda uu meesha ka boxo oo markaasna xukuumaddu sidii ay rabto ay u dhaqanto.

10) Miinadii qarxisay talo-xumada xukuumadda Farmaajo iyo Khayre waxay ahayd kaddib markii guddi-hoosaadka maaliyadda ee baarlammaanka ay heleen warbixin maaliyadeed oo ay xukuumaddu soo gudbisay markaas oo guddidu ay sheegeen in lacag badan la musumaasuqay oo qaabka loo soo xisaabiyay ay khalad tahay. Guddidu markii ay warbixintaas keeneen ayay xukuumadu ku xanaaqday isla markaana xukuumaadu ay ku amartay labada guddoomiye ku xigeen ee baarlammaanka in gabi ahaanba guddidaas la kala diro. Taasina waxay noqotay qalalaasihii qarxiyay kacdoonka baarlammaanka ee maanta jira. Guddoomiye Maxamad Mursal markii uu safar dibadda ah kasoo laabtay xukuumaddu waxay ku amartay in guddida la eryay aysan soo laaban Karin. Laakiin guddoomiye Mursal wuxuu ku adkaystay in ay sharci darro tahay in guddoomiye ku xigeen uu guddi baarlamaan kala diro. Taas oo qaadan-waa ku noqotay xukuumadda in ninkii ay shalay keensadeen oo ay lacagta ku bixiyeen uu iyagii kasoo horjeesto waxaana Guddoomiyaha loo sheegay in mooshin laga keeni doono haddii uu guddida maaliyadda soo celiyo. Guddoomiye Mursal isaga oo cadhaysan ayuu baarlamaanka yimid dabadeedna xubno markii hore la wada taagnaa mooshin ayuu u sheegay in markan uu mooshinka ka qabanayo. Waxaana isla markiiba waraaqihii mooshinka usoo gudbiyay xubno kor u dhaafaya 100 xubnood. Dhinaca kale labada guddoomiye ku xigeen iyaguna waxay billaabeen in ay mooshin ka qabtaan xubnaha xukuumadda taageersan. Xaaladdu halkaas ayay maraysaa.

Qore: Janaale

Leave a comment

Blog at WordPress.com.

Up ↑