Dhibaatooyinka hor taagan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya
Dalka Soomaaliya wuxuu bruburay 1991. Toban sano ayuu dalku ahaa dawlad la’aan, Kaddib sannadkii 2000 waxaa dalka Jabuuti lagu soo dhisay xukuumad ku meel gaadh ah oo uu madaxwayne u ahaa Cabdulqaasim Salaad xasan. Xukuumaddii cabdulqaasim waxaa si wayn uga hor yimid oo curyaamiyay qab-qablayaashii dagaalka ee ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Cabdulqaasim waxaa ku xigay madaxwayne Cabdullaahi yuusuf. Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf xilligeedii waxaa gobollada koonfurta badankooda qabsaday maxkamadihii islaamiga ahaa. waxaa ku xigtay Itoobiya oo Soomaaliya ku soo duushay dhammaadkii sannadkii 2006. Kaddib ciidammadii Itoobiya iyo xukuumaddii Cabdullaahi yuusuf waxay isla yimaadeen caasimadda Muqdisho.
Kaddib ciidammadii Itoobiya waxay waddanka ka bexeen dhawr sano kaddib. Laakiin waxaa soo if baxay urur islaami ah oo la yidhaahdo Al-shabaab. Markii ciidammadii Itoobiya ay ka bexeen Muqdisho ururka Al-shabaab wuxuu ku dhawaaday in talada dalka Soomaaliya oo dhan ay la wareegaan. Kaddibna waxaa soomaaliya u soo gurmaday ciidammo ka socda midoowga Afrika. Ciidammada midoowga Afrika waxay ilaaliyaan caasimadda Muqdisho, xarumaha bdawladda, garoonka dayuuradaha iyo meelo badan oo kale.
Illaa hadda xukuumadda Soomaaliya waxay awoodi la’dahay in talada dalka si buuxda ay ula wareegto. Koonfurta Soomaaliya badankeeda waxaa gacanta ku haya ama saamayn xooggan ku leh ururka Al-shabaab. Sidoo kale waxaa jira laba gobol oo xukuumadda federaalka ah aysan ka talinnin. Labadaas gobol waxay kala yihiin Somaliland iyo Puntland. Somaliland waxay doonaysaa in gabi ahaanba ay isaga go’do Soomaaliya halka Puntland ay doonayso in dalka lagu xukumo nidaam federaal ah oo gobolladu ay is xukumaan. Haddaba dhibaatooyinka hor taagan xukuumadda Soomaaliya waxaan ku soo koobi karnaa qodobbada soo socda.
1) ururka Al-shabaab
Ururka Al-shabaab waa caqabadda ugu wayn uguna khatarsan oo hor taagan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxaa yeelay ururka Al-shabaab waa urur aad u hubaysan oo haysta ciidammo toban kun gaadhaya oo u badan dhallinyaro xag-jir oo dagaalka u diyaarsan. Ururka wuxuu ka taliyaa badi koonfurta Soomaaliya gaar ahaan dhulka magaalooyinka ka baxsan. Sidoo kale ururka Al-shabaab wuxuu ka taliyaa gobolka Jubbada dhexe iyo sidoo kale dagmooyin badan oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose, Gedo, Baay, Bakool, Shabeellada hoose, Hiiraan iyo Gal-guduud. Ururka Al-shabaab waxay xukuumadda ku hayaan dagaal joogto ah, iyo qaraxyo aan kala joogsi lahayn. Dagaalka ururka Al-shabaab uu ku hayo xukuumadda federaalka ah waa mid lagu hoobtay oo dhiig badan uu ku daatay. Ujeeddada Al-shabaab waxaa weeye in xukuumadda ay wiiqaan oo ciidammada ay dhiig-bax ku sameeyaan si markaasi xukuumaddu ay u noqoto xukuumad tabar yar oo daciif ah oo aan waxba xukumi karin. Ujeeddada ururka Al-shabaab uu u dagaallamayo waxaa weeye in xukuumadda iyo maamul-goboleedyada ay jabiyaan oo markaasna ay xukunka dalka qabsadaan.



Al-shabaab waxay rajaynayaan in marka ciidammada midoowga Afrika ay Soomaaliya ka baxaan ay markaas u suuro gali doonto in gabi ahaanba ay la wareegaan koonfurta Soomaaliya oo caasimaddu ay ka mid tahay. Arrintaas aad ayay suuro-gal u tahay sababta oo ah illaa hadda xukuumadda Soomaaliya waxaa ku adkaatay in ay diciifiyaan xoogga ciidanka Al-shabaab. Marka dagaalka xukuumaddu ay kula jirto ururka Al-shabaab wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka waawayn oo hor taagan xukuumadda Soomaaliya ay yeelato xoog ciidan oo dalka oo dhan ay ku maamusho. Marka xukuumadda ay is qabtaan dhinacyo kale waxaa xukuumadda lagy caayaa in aysan tabar lahayn oo ay tahay xukuumad fadhiid ah oo ciidammo ajnabi ah ay ilaaliyaan.
2) Maamul goboleedyada
Koonfurta Soomaaliya waxaa ka jira shan maamul goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir. Laakiin maamul goboleedyadu waxay isugu jiraan maamul goboleedyo madax bannaan iyo maamul goboleedyo ay xukuumaddu saamayn wayn ay ku leedahay. Maamul goboleedyada madaxa bannaan waxaan ka wadaa maamul goboleedyo leh ciidan u gaar ah iyo ilo dhaqaale oo u gaar ah. maamul goboleedyada madaxa bannaan waxaa ka mid ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Halka maamul goboleeyada soo hadhay oo kala ah Hir-shabeelle, Gal-mudug iyo gobolka Banaadir ay xukuumaddu saamayn badan ku leedahay maaddaama ciidammada gobolladaas jooga ay xukuumadda dhexe ka amar qaataan.
Jiritaanka maamul-goboleedyo madax bannaan waxay caqabad wayn ku yihiin sidii xukuumadda federaalka ah ay u xoogaysan lahayd. Maxaa yeelay maamul-goboleedyada madaxa bannaan waxay haystaan ciiidammo u gaar ah oo ciidammada dawladda dhexe looma oggola in si xor ah ay uga hawl-galaan maamul goboleedyada madaxa bannaan. Dawladda dhexe awood uma laha in ay maamusho ilaha dhaqaalaha ee maamul-goboleedyada madaxa bannaan sida dakadaha, ganacsiga iyo garoommada dayuuradaha. Taasi waxaa ay keentay in xukuumaddu ay noqoto xukuumad aan awoodi karin in ay ka taliso dhulka ay xukunto oo dhan.
3) kooxaha hubaysan ee Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waa magaalo ay ku nool yihiin dad fara badan. Magaalada gudeheeda waxaa yaalla hub fara badan oo ay gacanta ku hayaan ganacsato iyo siyaasiyiin hubaysan. dadka badankooduna way hubaysan yihiin. Kooxahaas hubaysan waxay caqabad wayn ku yihiin in sharciga dawladda iyo amnigu uu shaqeeyo. Waxaa marar badan dhacda in xukuumaddu ay awoodi waydo in ay qaaddo talaabooyin amniga wax looga qabanayo. Waxaa kale oo dhacda in haddii uu khilaaf dhex maro xukuumadda iyo mucaaradka in markaasi mucaaradku uu hubka qaato oo xukuumaddu ay wax tallaabo ah qaadi waydo. Tusaale ahaan xukuumaddu ma awooddo in dadka hubaysan ay hubka ka dhigto, in guryihii iyo hantidii dawladda dadka laga saaro. Sidaas daraadeed kooxaha hubaysan ee Muqdisho waxay ka mid yihiin caqabadaha hor taagan in si fiican ay u hawl-gasho xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
4) Faqri guud iyo busaarad dhaqaale
Faqriga iyo busaaradda dhaqaale ee waddanka ka jirta waxaa ay keeneen khatar amni oo joogto ah. Dhibaatooyinka dhaqaale, faqriga iyo gaajada waddanka taalla waa mid cad oo la taaban karo. Sababtuna waxaa weeye amni-xumada iyo fawdada waddanka ka jirta waxaa ay keeneen in wax soo saarku uu yaraado. Dadka beeraleeyda ah waxba ma soo saari karaan. sababto dhulkii beeraha laga tabci jiray badankiisa waxaa haysta ururka Al-shabaab oo dawladda dagaal kula jira. Sidoo kale waxaa hoos u dhacay ganacsigii iyo isu socodkii dadka. Dadku waxay ku nool yihiin xaalad dagaal oo u dhaxaysa laba ciidan oo dagaallamaya, marka laga soo billaabo Gaalkacyo illaa Raaskaambooni. Marka dalka uu dagaal ka socdo dadka waxay galaaan xaalado barakac ah waxayna dadku galayaan qax iyo kala carar joogto ah. Sidaasna dhaqaalaha ayaa ku xumaada. waddanku ma samayn karo wax horumar ah.



5) Fara-galinta shisheeye
Tabar-yarida dawladda Soomaaliya waxay soo jiidatay in Soomaaliya ay noqoto waddan u nugul fara-galinta. Waddan kasta oo uu ka dhoco dagaal sokeeye wuxuu noqdaa waddan u nugul fara-galinta waddammada dariska ah iyo fara-galinta waddammada waawayn. Soomaaliya waxaa si joogto ah fara-galin ugu haya waddammada dariska ah. Waxaana si joogto ah u soo fara-galiya waddanka Itoobiya oo Soomaaliya ay kala dhexeeyaan muranno dhuleed oo taariikhi ah. Barigii hore Itoobiya waxay isku dayi jirtay in ay isku dirto xoogagga iyo qabaa’illada iska soo hor jeeda. Itoobiya waxay Soomaaliya ka abuurtay kooxo hubaysan oo dhexdooda ka dagaallama kaddibna Itoobiya hoos taga si ay isaga celiyaan qolada kale ee ay is hayaan. Waxaa dhaqan noqotay in dadku ay aamminaan kolba qabiilkii Itoobiya saaxiib la ah ayaa ka adkaanaya qabiilooyinka kale ee ay is hayaan. Taasi waxay keentay in Itoobiya loo tartamo.
Hadda Itoobiya waxay billoowday in ay si toos ah uga faa’iidaysato khilaafaadka soomaalida oo markaasi Itoobiya ay qaadato qaybo ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya. Itoobiya waxay had iyo jeer ka shaqaysaa in ay xidhiidh gaar ah la samaysato maamul-goboleedyada qaarkood. Ujeeddadu waxaa weeye in Soomaaliya ay ku cadaadiso in ay aqbasho shuruudaha Itoobiya. Marka waqti Itoobiya waxay ku dadaashaa in xukuumadda federaalka ah ay ka dhigto xukuumad fadhiid ah oo tabar yar oo wax awood ah oo ay kula tartanto itoobiya aan lahayn. Marka Itoobiya waxay ku dadaashaa in heshiisyo amni heshiisyo difaac iyo heshiisyo dhaqaale ay la samaysato maamul goboleedyada ama magaalooyinka qaarkood.
Gunaanad
Dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay ayaa haysta xukuumadda federaalka ah. Marka xukuumadda federaalka ah haddii ay doonayso in ay wax horumar ah samayso waa in dhibaatooyinkaas ay iska xalliso ayna u kala hor mariso sida ay u kala khatarsan yihiin. Haddii kale waqti kale oo dheer ayay dawladda Soomaaliya ku qaadan doontaa in ay dib u soo noqoto. Dhibaatooyinka ugu daran waa kuwa amniga marka dawladda waxay u baahan tahay in awooddeeda ay isugu gayso sidii ay u samaysan lahayd ciidan federaal ah oo aan hal qabiil ahayn. Ciidanka haddii ay noqdaan ciidan uu hal qabiil u badan yahay waxay mar kale caqabad ku noqon karaan xukuumadda. Marka waxaa muhiim ah in ciidanka la qalabayn doono uu noqdo ciidan ka kooban beelaha soomaaliyeed oo dhan. Ciidankaas oo si fiican loo qalabeeyo oo lagu qalabeeyo hubka culus sida taangiyada iyo diyaaradaha. Marka ciidanka ay u suuro gasho in ay wax ka qabtaan caqabadaha amniga ee gudaha ayay markaasi dawladdu wax ka qaban kartaa caqabadaha kale ee hor taagan.
Qore Janaale
Email: janaale1989@gmail.com
Leave a comment