Gumaysiga wuxuu isticmaalaa siyaasadda qaybi oo xukun. Sababtoo ah gumaysiga wuxuu rabaa dadka uu gumaysto in aysan is abaabulin oo siyaasadaha gumaysiga aysan ka hor imaannin. Gumaysiga Itoobiya wuxuu si fiican u yaqaannaa sida soomaalida la isaga hor keeno iyo sida la isugu diro. Kaddib soomaalida iyaga ayaa isku filan in ay iska shaqeeyaan oo ay is laayaan. In soomaalida la isku diro waa siyaasad ay Itoobiya soo adeegsan jirtay tan iyo xilligii Xayle Salaase. Taasina waa sababta keentay soomaalida iyaga oo ah 15 malyan oo qofood in aysan Itoobiya ku lahayn wax saamayn ah iyo wax sharaf ah.
Xilligii Itoobiya ay ka talinaysay xukuumaddii TPLF waxaa dadka deegaanka Soomaalida soo gaadhay xasuuq iyo cadaadis aad u daran. Tobannaan kun oo qof ayaa deegaanka lagu dilay, lagu xidhay, lagu kufsaday. cadaadiska iyo bah-dilku xadhkaha ayuu goostay. Sababtii TPLF ay xasuuqa u samaysay waxay ahayd, waxaa deegaanka ka socday halgan hubaysan oo ururkii ONLF uu kula jiray xukuumaddii TPLF. Markii halgankii ONLF uu xoogaystay xukuumaddii TPLF waxay go’aansatay in ay samayso malleeshiyo loo bixiyay Liyuu-boolis kuwaas oo loo tababaray in ay la dagaallamaan ururkii ONLF isla markaana dadka ay laayaan si ay u suuro gasho in ururka uu waayo deegaan uu ku halgamo. Waxayna taasi keentay in xasuuq daran uu soo gaadho dadka shacabka ahaa.

Markii xukunkii ururkii TPLF uu dhacay oo talada dalka uu la wareegay xukuumadda maanta ee PP oo Abiye Axmed, deegaanka Soomaalida waxaa loo dhiibay Musdhafe Cagjar. Marka waxaa dhacday in ururkii ONLF uu soo xaroodo. Marka hay’adda nabadsugidda Itoobiya waxay ka shaqaysay in ururka ONLF uusan mar danbe yeelannin awood uu Itoobiya kula dagaallami karo. Markaas Itoobiya iyada oo adeegsanaysa maamulka deegaanka iyo Musdhafe Cagjar waxay ka shaqaysay in ururka la kala qaybiyo. In guddoomiyaha ururka lagu qasbo in uu dawladda la shaqeeyo oo uu ka hadho riyada halganka iyo dhulka soomaali galbeed oo xor ah. Taasi way ku adkaatay guddoomiye Cabdiraxmaan Maaddeey in uu noqdo jaajuus Itoobiya u shaqeeya oo wixii loo sheego oo kali ah fuliya. Itoobiya markii ay ogaatay in ururka ONLF wali uu ku riyoonayo gabinnimo-doon markaas Itoobiya waxay ka shaqaysay sidii ururka ONLF loo kala furfuri lahaa.
Hay’adda doorashada ee Itoobiya oo loo yaqaanno NEPE iyada oo hay’addu la tashanayso hay’adda nabadsugidda Itoobiya, waxay hay’addu ururka u diidday in uu noqdo xisbi la diiwaan galiyo si xor ah u tartami kara. Muddo 7 sano ah ayaa ururka loo diiday in uu shaqeeyo. Waayo Itoobiya waxay samaysay garab mucaarad ku ah guddoomiyaha oo ay madax u u ahaayeen Axmad Yaasiin, markii danbana Riyaale Xaamud, kuwaas oo si toos ah ugu xidhnaa Musdhafe Cagjar. Intaas waxaa dheer cadaadis, xadhig, hanjabaad iyo caga-juglayn joogto ah oo lagu hayay xubnaha ururka ONLF ee joogay gudaha Itoobiya. Maamulka deegaanka wuxuu billaabay in uu xidho xafiisyadii ururka, halka dhinaca kalana kooxda xukuumadda la shaqaysa oo loo yaqaanno Hamyar loo furay xafiisyo. Sidoo kale Hanyar waxaa la siiyay maal-galin iyo dhiirri-galin. Xubnaha madaxda ah dhammaantood waxaa la siiyay guryo iyo qandaraasyo. Waxaa markaas Itoobiya ay ka shaqaysay in ay samayso guddoomiye cusub kaas oo noqday Cabdikariin Qalbi-dhagax. Haddaba Qalbi-dhagax iyo kooxdiisa waxaa la siiyay waajibaad cusub oo ah in ay xukuumadda deegaanka iyo nabadsugidda Itoobiya ay ula shaqeeyaan iyaga oo sheeganaya magaca ONLF. Ujeeddadu waxaa weeye in ururka ONLF uu qaybsanaado oo awooddisa ay hoos u dhacdo. Sidoo kale dadka in la khaldo oo loo sheego in dawladdu ay soo dhawaynayso ururka ONLF.
Hadda waxaa la joogaa sannad doorasho. Waxaa la wada og yahay in Itoobiya waligeed aysan ka dhicin doorasho xor iyo xalaal ah. Mar walba xukuumadda markaas xukunka haysa iyada oo adeegsanaysa ciidammada ammaanka iyo lacag waxay iyadu qabsataa doorasho been been ah oo la wada og yahay in xukuumaddu ay ku shuban doonto. Dhammaan xildhibaannada heer deegaan iyo heer qaran ee ka soo baxa deegaanka soomaalida waa kuwo la soo xushay oo xisbiga iyo Abiye daacad u ah. Dhammaan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta iyo wasiirrada deegaanka waxaa soo oggolaada hay’adda nabadsugidda Itoobiya. Xukuumadda deegaanka iyo nabadsugidda Itoobiya waxay ururka ONLF u oggolaadeen in ay deegaanka ku yeeshaan tiro yar oo xildhibaanno ku sheeg oo wax awood ah aan lahayn. Intaas ayaa baryahan lagu mashquuliyay kooxdii Hanyar. Baryahan kooxdu waxay qabanayaan shirar ay ku caayayaan xukuumaddii hore ee deegaanka oo Cabdi Ileey iyo TPLF ay madaxda ka ahaayeen. Waa sax xukuumaddii Cabdi Ileey waxay gaysatay xasuuq. Laakiin dadkii xsauuqa gaystay soow kuwan haddaba xukunka haysta ma ahan. Soow ka mid ma ahayn Musdhafe Cagjar, Axmad Shide iyo Aadan Faarax, Gafaydhe iyo rag badan oo kale!! maxaa is baddalay Itoobiyadii shalay dadka laysay soow tan maanta joogta ma ahan. Gumaysigii soow isagii uun ma ahan waxan deegaanka haysta. Kooxdan Hanyar dadka ma waxay u haystaan dadku in aanay waxba garanaynin. Waxay dadku aad ula yaabeen markii ay arkeen Qalbi-dhagax oo is oohisiinaya. Qalbi-dhagax soow hadda ma ahn jaajuuska Itoobiya iyo ina Cagjar u shaqeeya muxuu dadka u sheegayaa!!! adeer waa adiga is oohisiinaya, oo leh Itoobiya baa na xasuuqday! soow adigan u shaqaynaya ma ahan! Wax tagay maxaad dadka ugu mashquulin, miyaa la xoroobay, soow kan gumaysigii wali uu joogo!
Qalbi-dhagaxoow Itoobiyada aad leedahay way na xasuuqday adeer soow adigan tuutaha u xidhan ee in aad daafacdo aad rabto. Soo adigan ururkii iibsaday oo guriga iyo lacagta lagu siiyay, adiga iyo asxaabtaada kale sida Riyaale iyo Axmad Yaasiin iyo rag badan oo kale. Adeer soow ma ogid in ay dadku kaa aqoon badan yihiin oo ay xaaladda la socdan. Ujeeddada aad shirarka u qabanayso waa in aad dadka jaha-wareeriso oo indhohooda aad ka jeediso dulmiga iyo dhul-boobka ay Orommadu wadaan. Dhulkii soomaalida ayaa la xoogayaa, khayraadkii ayaa la guranayaa, dadkii wixii hadla ayaa xabsiyada lagu gurayaa. Dhulka deegaanka oo dhan Orommo ayaa ku tashanaysa in ay qaadato. Waxna kama qaban kartaan. Markan hanyareey ilaahay ha idin soo hanuuniyo.
Ugu danbayn madaxdii ururkii ONLF waa ay isaga bexeen gudaha Itoobiya. Ururka waxaa ka go’an in uu sii wado halgankii gobannimo-doomnka ahaa. Ururka wuxuu dhawaan la midoobay laba urur oo kale oo deegaanka ka jira. Ururradaas midoobay waxay qaateen magac cusub. Sidaas oo kale ururka ONLF wuxuu hadda isbahaysi kula jiraa ururrada kale ee mucaaradka ah ee ka soo horjeeda xukuumadda Abiye Axmad. Itoobiya iyadii ayaa burburaysa dadka deegaanka soomaalida waxaan u soo jeedinayaa in ay diyaar garoobaan oo dhulkooda uusan qabsannin gumaysi hor leh oo ah Orommo. Waa in dadka deegaanka oo dhan ay isu diyaariyaan sidii dhulkooda ay u difaacan lahaayeen.
Qore: Janaale
Leave a comment