Ballaadhinta isbitaalka Kismaayo

 Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo wuxuu u baahan yahay in la ballaadhiyo oo si casri ah loo qalabeeyo. Isbitaalka wuxuu qaabilaa bukaanno fara badan oo ka kala yimaada Koonfurta Soomaaliya. Koonfurta Soomaaliya waxaa ka mid ah gobollada Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gado, sidoo kale waxaa isbitaalka yimaada dad ka soo jeeda gobolka woqooyi bari ee Kenya gaar ahaan xeryaha qoxootiga soomaalida ah ee Kenya. 

Marka aad booqato isbitaalka waxay isla markiiba indhahaagu qabanayaan  culayska saaran isbitaalka iyo cidhiidhiga ka jira isbitaalka. Marka aad ku dhawaato isbitaalka waxaad arkaysaa dadka faraha badan ee hor dhooban isbitaalka iyo gudaha isbitaalka oo isna dadku ay buuxaan. Dadkaas oo isugu jira dadka buka iyo dadka booqanaya dadka bukaanka ah ee isbitaalka jiifa ama lagu dawaynayo. 

Waxaa kale oo jirta in dadka daggan Kismaayo iyo gobollada kale ee Jubbaland ay tiradoodu aad u sii kordhayso markaasna loo baahan yahay in isbitaalka la ballaadhiyo. Markii aan kormeer ku sameeyay waxaan soo jeedinayaa in la qaado tallaabooyinka hoos ku qoran si loo ballaadhiyo isbitaalka. 

1) Isbitaalka wuxuu u baahan yahay in la ballaadhiyo dhulka uu isbitaalku haysto. Tusaale ahaan isbitaalka waxaa lagu ballaadhin karaa dhulka wasaaradaha ka danbeeeya isbitaalka. Sidoo kale waxaan soo jeedin lahaa in Hoteel Kismaayo loo raro meel kale oo dawladdu hoteel Kismaayo loo iibiyo isbitaalka ama macnaha in dhulka hoteelka loogu baddalo meel kale oo u dhiganta dhulka hoteelka uu haysto, si dhulkaas isbitaalka loogu ballaadhiyo. 

2) Waxaa kale oo aan soo jeedin lahaa in warshadda korontada laga raro meesha hadda ay ku taallo oo aad ugu dhaw isbitaalka. Sababtoo ah guuxa matoorrada dadka bukaanka ah way dhibaysaa. Isla markaana dhulkaas warshadda korontada lagu daro dhulka isbitaalka. 

3) In dhammaan xarumaha dawladda ee ku yaalla ka soo horjeedka isbitaalka lagu wareejiyo isbitaalka, qaarkoodna la banneeyo oo laga dhigo beero iyo baarkinno baabuurta la dhigto. Sawirka dhinaca hoose wuxuu ku tusinayaa cidhiidhiga haysta isbitaalka sababtoo ah, dadka faraha badan ee hor dhooban isbitaalka xataa ma haystaan meel ay istaagaan, oo laamiga hareerihiisa dabakaayooyin ayaa ka dhisan. Bal fiiriya hadda dabakaayadan laamiga waxay u jirtaa nus mitir. Tan iyo barigii la sameeyay oo ah afar sano ka hor illaa hadda ma jiraan masuul ka hadlay dadka tabakaayada ku gooyay laamiga. 

3) Dhulka Isbartiibo weekiyo waa in lagu soo daraa isbitaalka, isla marklaana garoonkaasi ciyaaraha loo raro dhulka dawladda ee badda saaran ee ku yaalla aagga saldhiggii hore ee ciidanka xoogga qaybta 54-aad. 

4) Isbitaalka waa in la qalabeeyo oo loo soo iibiyo qalabyada baadhitaanka iyo qalliinka ee casriga ah si reer Jubbaland ay uga maarmaan safarrada caafimaad ee qaaliga ah oo dadka bukaanka ah ay u aadaan Muqdisho, Nairobi ama dibadda. 

5) Ballaadhin gudaha isbitaalka ah. Marka isbitaalka uu cidhiidhi yahay waxay taasi keentaa nadaafad xumo, cudurrada oo faafa, iyo foolxumo. marka waxaa loo baahan yahay in la kala durkiyo qaybaha kala duwan ee isbitaalka oo markaas qayb walba ay yeelato dhismayaal u gaar ah. Arrintaas waxay suuro gali kartaa marka isbitaalka uu haysto dhul ku filan oo waasac ah. Marka waa in la ballaadhiyo dhulka isbitaalka. 

Adeegga caafimaadka wuxuu ka mid yahay adeegyada ugu muhiimsan oo dawladdu ay u fidiso muwaadiniinta. Sidaas daraadeed waa in awoodda la isugu geeyo sidii isbitaalka magaalada loo casriyayn lahaa. Marka maamulka Jubbaland waxaan ka rajaynayaa in ay usoo jeedsadaan wax ka qabashada adeegyada caafimaadka ee dawlad goboleedka Jubbaland. 

Qore Janaale

2025-01-25

Leave a comment

Blog at WordPress.com.

Up ↑