Dhibaatooyinka ku habsaday dadka soomaaliyeed waxaa ka mid ah iyada oo dhammaan magaalooyinka soomaalida ay u fidayaan qaab isku-raran ah. Muddo dheer ayay dadka soomaaliyeed ku jireen xaalado dagaal, dagganaansho la,aan iyo fawdo. Muddadaas dheer ee sharci darrada iyo faoowdadu ay waddanka ka jirtay waxaa laga dhaxlay in magaalooyinka soomaalidu ay u fidaan qaab isku-raran ah oo dadka soomaalida ah aysan dareemaynin inuu khalad jiro, laakiin dadka dibadda ka yimaada ayaa isla marka ay yimaadaan magalooyinka soomaalida waxay la kulmaan calool xanuun aad u wayn kaddib markii ay yimaadaan magaalo ay xiiso u qabeen oo laakiin marka ay yimaadaan magaalada ayaa waxay indhaha ku dhufnayaan magaalo aad mooddo tuulo. Carruurta soomaaliyeed marka ay qurbaha ka yimaadaan waxay filanayaan in ay arkaan magaalo leh waddooyinka baabuurta, waddooyinka dadka loogu talo galay iyo waddooyinka baskiillada. Laakiin carruurta waxay arkaan waddooyin luuqluuq ah oo cidhiidhi ah oo boodh iyo wasakh badan oo dadka, baabuurta, iyo xoolaha nool ay isku si u isticmaalayaan.
Muddadii dheerayd ee waddanku fawdada ku jiray waxay keentay in aan la helin dawlad wax kala hagta oo dhulka qaybisa, oo dhulalka danta guud nidaamisa, oo samaysa waxa loo yaqaanno qorshe hagaha magaalada (Master plan). Taas baddalkeeda dadku waxay billaabeen in dhulka ay ku habsadaan oo qof waliba uu dago meeshii uu awoodi karo. Waxaa nidaamkaas ka faa,iidaystay dad dhulka qabsada oo dabadeedna ka sii iibiya qof kasta oo lacag wata. Dadkaas dhulka iibinaya waxay ku dadaalayaan in ay sii iibiyaan taako kasta oo dhulka ah. Markaas kama fikirayaan in ay qoondeeyaan dhulka danta guud, sida goobaha laga dhisi lahaa dugsiyada waxbarashada, isbitaallo, xafiisyo, garoommo ciyaareed, goobo cagaaran, goobo baabuurta la dhigto iyo dhul fagaare ah oo bannaan oo dadku ay ku kulmaan xilliyada ciidaha ah. Haddii aad u fiirsato qaabka magaalooyinka soomaalidu ay u fidayaan waxaad la yaabaysaa sida dadka caammada ah iyo xataa siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka aysanba u lahayn dareen wax looga qabanayo bilicda magaalooyinka.
Magaalooyinka sida xun u dhismay waxaa ka mid ah Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo, Baladwayne iyo magaalooyin badan oo kale. Magaaladu in ay bilic yeelato waxay lagama maarmaan u tahay dadka magaalada daggan. Dadku waxay u baahan yihiin dhul cagaaran oo waasac ah oo ay ku nastaan xilliga firaaqada, waddooyin ay maraan marka ay u kala gudbayaan magaalada iyo goobo la dhigto baabuurta. Marka ay magaaladu u dhisan tahay qaab isku-raran ah uma fiicna dadka waxayna keentaa in dadku ay is nacaan oo dagaallo iyo is qabqabsi uu dhex maro mar kasta. Xataa qaabka ay soomaalidu u qaybsato dhulka ayaa khaldan. Marka uu qof boos iibsanayo waxaa badanaa dhulka lagu qiyaasaa qaabka loo yaqaanno finti per finti oo macneheedu yahay 20m lagu dhuftay 20 m. Xataa booska noocan ah wuu yar yahay marka la eego qaabka boosaska waddanka kenya oo kale oo aad arkaysid dadka in la siiyo boosas waawayn. Marka waxaa fiicnaan lahayd in boosaska laga dhigo 20m x 30m lagana dhigo booska ugu yar ee la kala iibsan karo. Waxaan kula talin lahaa dhammaan maamuullada dagmooyinka iyo golayaasha deegaanka iyo cid kasta oo dhibaatada magaalooyinka soomaalida wax ka qaban karta in ay si dhaqso ah u baraarugaan oo dhaqso magaalo kasta looga billaabo nidaamka mastarbalaanka. Haddii kale wallee magaalooyinka soomaalida waxaa soo waajihi doonta foolxumo iyo qaab-darri aad u foolxun qarniyada soo socda, waxaana adkaan doonta in wax laga qabto qaabka foosha xun ee ay u fidayaan magaalooyinka soomaalida
Leave a comment