Waa maxay hayb-sooc? Hayb-sooca waa iyada oo qabiilooyinka qaarkood la xaqiro oo la hayb-sooco. Sababta oo ah waxaa ay dadka soomaaliyeed badankooda aamminsan yihiin in qabiilooyinka qaar ay nasab dhimman yihiin, qaarna ay nasab yihiin. Taasoo laga dhaxlay dhaqanka qabiilka ku salaysan ee soomaalida. Laakiin hayb-sooca looma hayo wax xaqiiqo ah oo lagu qanci karo, ee waa wax aan jirin oo khuraafaad ah in qabiilooyinka qaar ay yihiin nasab dhimman qaarna ay nasab yihiin. Waa wax lala yaabo in qabiilooyinka qaar ay nasab yihiin, yaa soo caddeeyay oo xaggee bay ku qoran tahay in dadka qaar nasab yihiin. Halka qaar kalana ay nasab dhimman yihiin, maxaa caddayn ah oo la hayaa? Ma DNA ayaa arrintaas caddaysay? sabab cilmi ku dhisan ma la hayaa? xataa sabab macquul ah ma la hayaa? jawaabtu waa maya. Xaqiiqda kali ah ee jirta waa in dadka Soomaaliyeed ay geeska Afrika ku wada nool yihiin oo qabiilaba ay meel dagto oo magacna leedahay, sidaas oo kale qabiilooyinka la xaqiro iyaguba magacna waa leeyihiin goobo gaar ahna way dagaan.

Waxaa laga yaabaa in sababta keentay in qabiilooyinka qaarkood la hayb sooco ay tahay qaabka ay dadkaasi u nool yihiin. Qabiilooyinka la hayb-sooco waxaa dhici karta in ay ahaayeen ugaadhsato ama bir tumayaal, ama beeraleey halka soomaalida kale badankooda ay ahaan jireen xoolo dhaqato. Xilligaas oo ah markii baaddiyaha lagu noolaa. Marka sababta ugu dhaw ee keentay in qabiilooyinka qaar la hayb-sooco waa xagga shaqada iyo mihnadda. Laakiin maaddama hadda noolashu ay is baddashay maxaa keenaya in wali hayb-soocu uu sii socdo. Waxay ahayd in nidaamkaas gaboobay oo dulmiga ku salaysan la baabi,iyo. Arrintaas hayb-sooca waxay dhibaato wayn ku haysaa dhammaan ummadda soomaaliyeed kuwa la xaqiro iyo kuwa wax xaqira labadaba. Waxaana loo baahan yahay in arrintaas laga hortago oo wax laga baddalo dhaqankaas gaboobay ee aan xaqiiqada ku fadhiyin.
Waxaa nasiib wanaag ah dadka la hayb-sooco in ay ka qayb qaataan hawlaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada oo marka ay timaaddo xilalka ugu sarreeya ee waddanka Soomaaliya iyo gobollada kale ee Soomaalidu dagto aan la hayb soocin. Laakiin waxaa dadkaas lagu hayb soocaa xagga guurka iyo xidhiidhka bulshada. Marka dhibaatadu waxaa weeye iyada oo dadkaasi la xaqiro. Qofkana haddii la xaqirayo oo la cunsuriyadeeyo markaas qofkaas waxba looma reeban. Waayo marka qofka sharaftiisa la xaqiro oo loo aqoonsan waayo dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dadka kale markaas qofkaas dhibaato wayn ayaa loo gaystay. Diinta islaamka way mamnuucday in dadka qabiil loogu faano oo dadka qaar la yaso. Culimada maanta joogta sida Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Sheekh Umal labaduba si isku mid ah ayay uga hadleen hayb-sooca waxayna caddeeyeen in qofkii qabiil qof kale ugu faano ay keeni karayso in qofka qabiilka ku faanayo uu diinta ka boxo. Marka hayb-sooca mar haddii uu keenayo xataa in aad diinta aad ka baxdo oo aad cadaab ku mutaysato maxaa keenaya in wali la sii aamminsanaado. .
Soomaali badan ayaa maanta qurbaha ku nool gaar ahaan waddammada reer galbeedka. Waxaana waddammada reer galbeedka ka jiro sinnaan iyo caddaalad taasoo keentay in lala dagaallamo dhammaan noocyada cunsurinimada, takoorista, xaqiraadda iwm. Waxaan aragnaa dadkii oo ka xoroobay fikradda kala sarraynta iyo is kala faquuqa. Fikradaha cunsurinimada wali way ka jiraan reer galbeedka laakiin dad aad u yar ayaa wali ku dhaqma. Waxaad arkaysaa dadkii oo isasii dhex galaya oo kala guursanaya, oo wada shaqaynaya, oo wada saaxiibaya oo cuqdaddii kala sarrayntu ay meesha ka baxday. Marka sidee qof soomaali kula ah, oo muslim kula ah oo dhaqan iyo taariikh aad wadaagtaan loo cunsuriyadeeyaa! Waxay ila tahay in dadku maskaxda ay ka xoroobaan oo dhaqammada xunxun aan wax ka baddalno.
Leave a comment